Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhoofka xoolaha Soomaalida oo kordhay

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Beeraha ee FAO ayaa warbixin ay soo saartay waxa ay ku sheegtey in sanadkii hore ee 2014-kii ay Soomaaliya u aheyd sanad muhiim ah marka la eego dhoofinta xoolaha.

FAO ayaa sheegtay in sanadkii 2014-ka ay Soomalidu dibadda u dhoofisay 5-milyan oo neef, tiraadaas ayey hay'addu ku tilmaantay inay tahay tii ugu badneyd ee la dhoofiyo 20-kii sano ee la soo dhaafay..

Rage Xassan ayaa rintaasi waxa uu ka waraystay agaasimaha wasaaradda xanaanada xoolaha Somaliland Dr Jama Maxamed Odowaa.