Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doodda doorashada guud ee UK

Lahaanshaha sawirka

Barnaamijka waxay ila tahay ee toddobaadkan waxaan kaga falanqoon doonnaa doorashada guud ee dalkan UK oo dhacaysa 7-da bishan May.

Dalkan Britain wuxuu galayaa doorashadii ugu adkeyd inta la xasuusan yahay - taasi oo xisbiyada siyaasadda ee ugu waaweyn ay aad isugu dhow yihiin - oo ay cagta cagta ay isku saareen.

Ilaa hadda Saadaasha codbixiyeyaasha waxay muujineysaa in cidina aanay aqlabiyad buuxda ku guuleeysan doonin oo baarlamaanka noqon doono mid kala jaban oo xisbiyada kala duwan u kala go'a.

Haddaba waxaan ku eegi doonaa Soomaalida British-ka ah waxay uga dhigan tahay, saameynta ay ku yeelan karaan iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasadda.