Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameynta weerarkii Jaamacadda Gaarisa

Waxaa muddo bil ah maanta laga joogaa weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee Jaamacadda Garissa.

Weerarkaasi oo ay fulisay kooxda Al-shabaab ayaa noqday kii ugu weynaa ee Kenya ka dhaca sanadahan dambe, waxaana ku dhintay ku dhawaad 150 qof.

Gaarisa iyo magaalooyinka kale ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya haatan waxaa saaran bandow habeenkii oo dhan ah.

Hadaba bil kaddib xaaladdu waa side? Saameyn noocee ah ayuuna reebay weerarkaasi?

Axmed Xaaji Xasan ayaa warkan Gaarisa ka soo diray.