Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali hantidoodii lagu boobay K/Afrika

Waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa laga soo sheegayaa in meelaha qaar ay weli ka jiraan dhibaatooyin iyo weerraro loo geysanayo dadka ajaanibta.

Boqolaal Soomaali iyo Itoobiyaan ah ayaa waxaa la sheegay in boob iyo dhac loogu gaystay gobolka Limpopo, halkaasi oo markii dambe ay boolisku ku xareeyeen xarun ay leedahay dowladda hoose ee magaalada Thabazimbi.

Koonfur Afrika ayaa bishii hore waxaa ka dhacay weerraro lala beegsanayay ajaanibta halkaasi u shaqo tagtay.

Haddaba Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, waxa uu ka mid yahay Soomaalida la boobay ganacsigoodii, oo hadda magan u ah booliska Gobolka Limpopo, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.