Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Walaaca waxbarashada ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Dalka Kenya dugsiyada hoose dhexe iyo kuwa sare ayaa maanta dib loo furayaa kaddib fasax bil ah.

Balse gobolka waqooyi bari ee Kenya cabsi ayaa ka jirta, taas oo ah in ay iskuulada xaadiri waayaan macalimiinta aan Soomaalida ahayn ee wax ka dhigayey iskuulada ku yaala gobolka.

Arrintan ayaa waxay ka dhalatay weerarkii horraantii bishii afaraad lagu qaaday jaamacad ku taala Garissa, halkaas oo lagu dilay ku dhowaad 150 qof oo u badnaa ardeydii dhiganaysay jaamcada

Haddaba kullan ka dhacay magaalada Garissa ayaa waxa la isugu keenay boqolaal ka mid ah ardeyda Soomaalida ah ee ka qalin jabiyey dugsiyadda sare kuwaas oo lagu boorinayey in ay macalimiin ka noqdaan iskuuladda magaalada.

Halkan ka dhagayso warbixin uu weriyaha BBC-da Axmed Xaaji Xasan arrintaasi ku eegayo.