Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

K/Afrika oo xiraysa xerooyinka qaxootiga

Inkasta oo la xakameeyay weerardii ajaaniib nacaybka ahaa ee isbuucyadii dhawaa ka dhacay dalka Koofur Afrika, haddana saamayntii ay reebeen weeraradaas ayaa wali taagan.

Kumanaan kun oo qof oo mujhaajiriin Afrikaan ah oo ka carary guryahooda iyo xarumahoodii ganacsiga ayaa wali ku jira xeryo ku yaalla duleedka magaalo xeebeedka Durban.

Hadda, dawladda Koofur Africa waxa ay doonaysaa in xeryahaasi KMG la xiro, qaxootiga ku noolna ay dib ugu noqdaan nolashoodii, balse qaxootigu kalsoonidaasi ma qabaan sida uu Warbixintan ku faahfaahinayo Weriyaha BBC-da Raage Xasan oo booqday mid ka mid ah xeryahaasi oo lagu magacaabo Ispingo.