Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Agaasimaha GSD Cabdi Baaruud

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Qaar ka mid ah xubnaha la kulmay safiirka Koonfur Afrika ee London

Jaalliyadaha Soomaalid ee deggan dalkan UK, gaar ahaan magaalada London ayaa sabtidii banaan bax ashtako ah waxay hor sameeyeen safaaradda Koonfur Afrika ee London, kaasi oo ay kaga soo horjeedeen dhibaatada anjabi nacaybka ee ka taagan dalka Koonfur Afrika. .

Kadibna qaar ka mid ah dadkii mudahaaraadkaas dhigay ayaa ballan ka dhigtay safiirka Koonfur Afrika ee Britain, waxaana markii ay wada kulmeen ay isla soo qaadeen kulankaasi arrimo dhawr ah oo ay gaar ahaan Soomaalidu ka cabanayaan.

Haddaba Cabdi Baaruud oo ah Agaasimaha ururka Qurba-joogta Soomaaliyeed ee caalamka (GSD) ayaa ka mid ahaa dadkii uu safiirka Koonfur Afrika ee London uu qaabilay.

BBC Somali ayuu uga warramay wixii ay ka wada hadleen.