Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Guurka Soomaalida iyo koonfur Afrikaanka

Soomaalida waxaa inta badan lagu eedeeyaa in ay ka gaabiso in ay dhexgasho bulshooyinka ay la noolyihiin amaba ay u qaxeen. Waa dood gaar ahaan taabanaysa Soomaalida qurbaha ku nool. Doodaasi waxaa hadda soo cusboonaysiisay, weeraradii ajaaniib nacaybka ahaa ee dhawaan ka dhacay dalka Koonfur Afrika. Weriyaha BBC-da Rage Xassan oo ku sugan dalka koofur Africa ayaa la kulmay gabadh qabiilka Zulu iyo wiil Soomaali ah oo is qaba.

Waxa uu warbixinta ku eegayaa in guurkan naadirka ah ee Maxamed Yusuf iyo marwadiisa zulu-ga ah ay gacan ka gaysan karto is-dhaxgalka labada bulsho.