Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aalado Casri ah oo sahlay xiriirka bulshada

Waayadii hore aad ayey u adkayd in laba qof oo meelo kala fog ku kala nool ay si toos ah isula xiriiraan oo mararka qaar ay xitaa toos isku arkaan.

Balse teknoloojiyadda carsiga ayaa aad u fududeysay xiriirka dadka meelaha kala fog ku kala nool.

Tusaale ahaan, adigoo gurigaaga jooga ayaa inta aaladaha internetka ee bulshada ku wada xiriirta gasho ayaad toos muqaal ahaan ula sheekaysan kartaa qofkii aad doonto, waxaana arrintaas fududeeyey Internetka..

Waxa soo baxay alaadaha sida Viber, Skype, Facebook iyo wax la mid ah oo aad u fududeeyey isgaarsiinta

Halkan ka dhagaysio warbixin ay Bushra Nuur Mohammed ay arrintaasi ku eegayso.