Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqorka Sacuudiga maxaa u qabsoomay boqol maalin kaddib

Boqor Salmaan Bin Cabdul-casiis-ka Sacuudi Carabiya ayaa xukunka dalkaasi hayo 100 maalmood. Boqorka boqolkaasi maalmood ee uu xilka hayay waxa uu isbedel weyn ku sameeyay maamulka iyo siyaasadda dalkaasi, waxa uuna qaatay go'aanno ad-adag oo indhowaale aan looga baran hoggaamiyeyaasha dalkaasi.

Go'aanadaasi waxa ka mid ah dagaal uu ku qaaday Xuutiyiinta Shiicada ah ee dalka Yaman, isbedel sida loo dhaxlayo boqortooyada iyo isku shaandhayn golahiisa wasiirada, isaga oo xilka ka qaaday rag muddo dheer xil ka soo hayay boqortooyada sucuudiga.

Haddaba 100-kani maalmood iyo boqor Salmaan wixii u qabsoomay, waxaan ka wareysanay Dr Maxamed Maxamud Raage, oo ka faalooda arrimaha dunida Islaamka iyo Carabta,,,Cisa Cabdul ayuu u warramay.