Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarumaha xawaalaha Kenya oo bil xiran

Muddo hal bil ah ayaa haatan laga joogaa markii dowladda Kenya ay shaqada ka joojisay shirkadaha xawaaladaha Soomaalida, kuwaasi oo ay ku tiirsanaayeen dad badan oo lacago dibadaha looga soo diri jiray.

Amarkaasi dowladda kenya ee ka dhanka ah xawilaadaha ayaa waxa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaali badan oo ku nool Kenya, gaar ahaanna dadka ku nool xeryaha qaxootiga.

Bishaaro Adan Xasan, waxa ay ku nooshahay xerada IFO, Axmed Xaji Xasan ayay uga warrantay saameynta ay ku yeelatay xirnaanshaha shirkadaha xawilaadaha.