Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabar Soomaailyeed oo ku guulaysatay abaalmarin

Ifraah Axmed oo ah gabadh u ololeyso xuquuqda aadanaha, joojinta gudniinka fircooniga, ka hortaga kufsiga iyo abaaraha, ahna sidoo kale la taliyaha wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dowladda Soomaaliya, ayaa waxa ay ku guuleysatay biladda bani’aadnimada ee sanadlaha ah ee Afrika, ee ay bixiso hay'adda Women for Africa.

Abaalmarintan ayey Ifraax ku heshay sida ay ugu ol oleyso arrimaha bulshada.

Weriyaha BBC-da Fardowsa Maxamed Cilmi ayaa wareysatay Ifraax oo marka hore waydiisay waxa ay tahay biladda ay ku guuleysatay iyo sababaha ay ku muteysatay?