Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heer kulka Berbera ee xilliga xagaaga

Magaalada Berbera waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu kulul ee ku yaalla xeebaha gayiga soomaalida.

Dadkuna badanaa way ka baxaan xilliga xagaaga oo waxa ay aadaan deegaanno qabow ah.

laakiin waxaa jira dad aan ka bixin kuleyl kasta oo ka jira berbera oo duruufaha waayuhu bareen siday ugu noolaadaan kulka.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo dhowaan shaqo u tegay berbera ayaa doodan dhex dhigay Jaamac Faarax Diini oo sheegay inuu 40 sano kuleylka xagaaga aanuu ka bixin berbera, iyo Cabdiraxmaan Adam Muse oo isna 20 sano ku noolaa Berbera.