Muddo kordhinta xukuumadda Somaliland

Magaalada Hargeysa, golaha guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku meel mariyay in xukuumadda iyo golaha wakiilada Somaliland oo xiloodkoodu ku egyahay dhammaadka bisha July 2015 ay sii hayaan xilkaasi ilaa iyo 27 april 2017. Waxaana go'aanka ku dhawaaqay xoghayaha guud ee golaaha, Cabdillaahi Ibraahim habbanne.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (CIRRO) ayaa sheegay in aanay aqbali doonin xisbigoodu muddo kordhinta maanta golaha guurtidu u sameeyeen xukuumadda iyo golaha wakiilada Somaliland ilaa iyo 27april 2017 .

Shir jaraa'id oo uu qabtay gudoomiyuhu, wuxuu kaloo ku eedeeyay xukuumada inay xabsiga dhigtay saraakiil ka tirsan xisbiga waddani oo gaadhaya lixdan isla, markaana ciidamo la wareegeen saaka xafiisyadii xisbiga waddani ee Hargeysa iyo magaalooyin kale .

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waxaa isna diiday go'aanka golaha guurtida Somaliland mudada ugu kordhiyeen maanta xukuumada iyo golaha wakiilada gudoomiyaha xisbiga mucaaridka UCID Faysal Cali Waraabe. Wuxuu u waramay weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan