Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siyaasiyiin ka hadlay midnimada Soomaaliya

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin sheegay in matalaaan maamulo ay ku sheegeen, Khaatumo ,Awdal state, Maakhir iyo Sallal oo ku bahoobay xisbi siyaasadeed lagu magacaabo USB oo ku kulmayay magaalada Muqdisho ayaa eedeyn kulul u jeediyay Soomaaland oo ay sheegeen in ay dhibaato ka waddo deegaanada gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in hadda ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliya ay u soo ceshan lahayd midnimadeeda, qoqobkana looga saari lahaa.

Shir jaraaid oo siyaasiyiintaasi iyo xildhibaanadaasi ku qabteen magaalada Muqdisho waxaa warbixntan inooga soo diray weriyaha BBC-da magaalada Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimuu.