Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

US oo ka noqday safiir uu Soomaaliya u magacaabay

Wararka ka imaanaya mareykanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha mareykanka Barack Obama uu la noqday safiirkii uu bilo ka hor u magacaabay dalka Soomaaliya.

Obama ayaa xilkaasi u magacaabay haweeney muddo dheer ka soo shaqeysay qaaradda afrika, waxaana lagu waday in ay noqoto safiirkii ugu horreeyay ee mareykan ah oo muddo shan iyo labaatan sano ah kaddib ka hawlgala safaaradda mareykanka ee Soomaaliya tan iyo burburkii dowladda dhexe ee soomaaliya sanadkii 1991-kii.

Faafaahinta arrintaasi waxaan goor dhawayd ka wareystay weriyaha BBC-da ee mareykanka Maxamed Xaaji Xuseen Shiine.