Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya oo muwaadiniinteeda kala soo baxaysa Yamen

Dalka Yamen-na, maanta oo talaada ah ayaa la filayaa in shan maalmood oo xabad joojin baniiaadminimo ah ay dalkaasi ka hirgasho .

Ujeedada xabad joojintaasi ayaa ah in dadka rayidka ah la gaarsiiyo mucaawino, isla markaana dadka ku xayiran goobaha colaadda ka jirto ay u suurtagasho in ay halkaasi isaga soo baxaan.

Dadka ku xayiran amaba dhibaatada ku haysato gudaha dalkaasi Yamen waxaa ka mid ah kummanaan Soomaali ah oo horey u miciin biday dalkaasi kadib colaaddii sokeeye ee soomaaliya.

Safaaradda Soomaalida ee Yamen ayaa sheegtay in dawladdu ay wado dedaal lagu soo samata-bixinayo dadkaasi.

Si aan faahfaahin dheeraad ah uga helno arrintaasi ayaa weriyaha BBC-da Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe waxa uu khadka taleefanka kula xiriiray Qunsulka Soomaalida ee Sanca Cismaan Axmad Maxamad.