Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan ciirta iyo caanaha

Dhulalka Soomaalida ayaa xilliyada guga ee balliyadu buuxaan, daaquna badan yahay waxaa inta badan dadka xoola dhaqatada ahi ay durbaba ilaawaan dhibkii jiilaalka, waxaana dhiilaha durbaba marka ay xoolaha dhalaan buux dhaafiya caano.

Dadka dhaqda geeslaha sida ariga iyo looda ayaa marka caanaha dhayda ah laga soo tago, waxa ay dhiilaha ka buuxiyaan ciirta oo ay ku sooraan martida.

Laakiin magaalada Hargeysa, dumarku ayaa caanaha looda ee miyiga fog laga keenay inta ay garooriyaan, dabadeetana lulaan ayay ciirta iyo subagga waxa ay ku iibiya sariibadaha.

Sheekadaasi waxaa noo haya Axmed Saciid Cige oo la sheekeystay qaar ka mid ah dumarka Hargeysa oo lulaya caanaha looda..Axmed haye.