Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkad laga leeyahay Soomaaliya oo ku guulaysatay abaalmarin caalami ah

Shirkadda isgaarsiinta ee Dalkom ee Soomaaliya ayaa ka mid noqotay laba shirkadood oo Afrikaan ah oo magaalada London ee Britain lagu guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah oo dhinaca isgaarsiinta ah.

Waxaa shirkadan gaar ahaan lagu amaanay dadaalka ay u gashay in Soomaaliya ay gaarsiiso internetka xawaarihiisu sareeyo ee la marsiiyo badda hoosteeda.

Waxaan arrintaasi ka waraysanay, Maxamed Axmed Jaamac, agaasimaha guud ee shirkadda Dalkom oo haatan ku sugan magaalada London.

Waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare, oo ugu horreynba waydiiyay in uu fahafaahin ka baxiyo waxa ay tahay abaalmarinta.