Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan kaluumaysatada Berbera

Magaalada xeebta ah ee Berbera ayaa waxaa ku yaalla dekada yaryar oo ay inta badan adeegsadaan doonyo ay leeyihiin kaluumaysatada deegaanka ee kalluunka ka soo jilaabta biyaha badda.

Kaluumaysatada deegaanka ayaa markan waxaa ku soo biiray kaluumaysato u dhalatay dalka Yemen oo ka soo carartay colaadda halkaasi ka taagan.

Weriyaha BBC Axmed Saciid Cige, oo dhawaan shaqo u tegay magaalada Berbera ayaa wuxuu la hadlay qaar ka mid ah kalluumeysato soo jillaabtay kaluun oo badda ku maqnaa maalmo, iyo weliba dadka cuna kalluunka, kadibna warbixintan ayuu inooga diyaariyay