Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dood ka taagan imtixaanaadka qaran ee Soomaaliya

Waxaa mar kale soo shaac baxay dood u dhaxaysa wasaaradda waxbarashada Soomaaliya iyo daladaha gacanta ku haya inta badan dugsiyada waxbarashada ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxa ay soo baxday kaddib markii xukuummadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in bishan guud ahaan dugsiyada koonfurta ku yaalla laga qaadi doono imtixaan qaran oo mideysan.

Hasayeeshee wasaaradda waxbarashada ayaa sheegaysa in ay daladuhu arrintan isla soo bilaabeen oo ay ka wada shaqeeyeen, oo aanay haatan garanayn waxa ay ka biyo diidan yihiin.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa la hadlay labada dhinacba warbixinadan ayuuna ka soo diray.