Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sanacada cusub ee beeraha Soomaaliya

Koox Soomaali qurba joog ah oo ka laabatay wadammada Mareykanka iyo UK ayaa gudaha Soomaaliya ka bilaabay hab cusub oo dhanka beeraha ah, habkaasi oo wax badan ka duwan hababkii ay Soomaalidu wax u beeran jireen.

Waxa ay la yimaadeen hab beereed la adeegsanayo tiknolojiyadda casriga ah, oo sare u qaadaysa waxsoosaarka iyo tayada dalaga beeraha.

Waxa ay habkan cusub si tijaaba ah uga billaabeen Degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe

Weriyaha BBC-da ee magaalada Muqdisho Maxamed Ibraahim Mucallimuu ayaa umuurtaasi warbixintan ku faafaahinaya.