Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Siyaarooyinka suufiyada oo Muqdisho dib ugu soo laabtay

Magaalada Muqdisho waxaa mar kale lagu arkayaa xusaska iyo siyaarooyinka ay qabtaan culimada dariiqooyinka suufiyada kuwaas oo lagu booqdo qubuurta culimadii waawayned ee dariiqooyinka soo maray.

Xusas socday todobaadyo oo loo samaynayay labo wadaad oo caan ka dhex ahaa dariiqooyinka suufiyada ayaa waxaa lagu qabtay masjidka Macalin Biyomaalow ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-shabaab ayaa intii ay maamulayeen qeyba badan oo ka mid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxa ay burburiyeen in badan oo ka mid ah qubuuraha dariiqooyinka suufiyada.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ka qaybgalay gabagabada xusaskaasi ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray