Xaafadda ay Soomaalidu degto ee Islii Nairoobi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Saameynta ganacsiga ee xawaaladihii laga xiray Kenya

Tan iyo markii Kenya ay albaabada u laabtay qaar ka mid ah xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeynayey dalka ayaa waxa isa soo tarayey cabashada ay arrintaasi ka muujinayeen dadkii ku tiirsanaa xawaaladaha.

Inta badan soomalida kunool Nairobi ayaa ku tiirsan xawaaladan oo ah halkii loo sii marin jiray lacagaha ay u baahanyihiin.

Arrintan ayaa sidoo kale waxa ay saameyn ku yeelatay ganacsiga xaafadda Islii oo ah xudunta gannacsiga ee Soomalida.

Halkan ka dhagayso warbixin ay arrintaasi ka diyaarisay weriyaha BBC-da Fardosa Mohamed Cilmi.