Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin gaar ah: Xubin sare oo Shabaab kasoo goostay

Waxa ka soo wareegtay ku dhowaad afar sano tan iyo markii Al-shabaab laga saaray caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wixii waqtigaasi ka dambeeyey, Al-shabaab waxay lumiyeen oo gacantooda ka baxay dhul badan oo ay ka talinaysay, hasayeeshee waxay weli Al-shabaab awood u leedahay in ay qaado weeraro kuwaasi oo ay ka fuliso gudaha iyo dibedda Soomaaliya gaar ahaan dalka deriska la ah Soomaaliya ee Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegaysa in wiiqayso awoodda hoggaanka sara ee Al-shabaab, iyadoo adeegsanaysa weerarada ay fuliyaan diyaarada aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo barnaamijka cafiska ah ee ay dowladda u fidisay xubnaha ururkaasi.

Weriyaha BBC-da ee arrimaha Afrika, Andrew Harding, ayaa fursad gaar ah u helay in uu waraysto mid ka mid ah sarakiishii ugu sareeyay ee ka soo goosta Al-shbaab, warbixin ayuuna ka diyaariyey, waxaana soo jeedinaya Faarax Lamaane.