Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali laga soo tarxiilay Denmark

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Denmark ay dad Soomaali ah oo magan-gelyo doon dalkeeda u tegay ay dib ugu celisay Soomaaliya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dhawaan caasimada Muqdisho laga dejiyay 4 qof oo Soomaali ah oo dib looga soo celiyey Denmark, waxaana jira dad weli waddankaas jooga oo ka cabsi qaba in dib loo celiyo.

Mid ka mid ah dadkaas Muqdisho laga dejiyay oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in loo sheegay in dowladda Soomaaliya ay aqbashay dib usoo celintooda.

Ninkaasi oo hadda Muqdisho ku sugan ayaa khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC Maxamud Cali Maxamed.