Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin: Dhaqan celinta dagaalyahannada kasoo goosta Shabaab

Xarakada Al-shabaab oo mar ka talin jirtay inta badan Soomaaliya oo ay ku jirto caasimada Muqdisho, ayaa hadda waxaa laga saaray inta badan magaalooyinka iyo deegaannada muhiimka ah.

Waxaa duulaanka ka dhanka ah Shabaab iska kaashaday ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa cafis u fidisay saraakiisha Shabaab kasoo baxsada, waxaana ay dhaqan celis u sameysaa dagaalyahannada ururkaasi kasoo goosta.

Weriyaha BBC ee arrimaha Afrika, Andrew Harding ayaa warbixintan ka diyaariyay xero lagu hayo dagaalyahannada Shabaab kasoo baxsada. Waxaa soo jeedinaya Faarax Lamaane.