Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Xasan: Kenya kama fiirsan xiritaanka xawaaladaha

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay si adag u wajahday arrinta amniga gobolka, waxaa uuna si gaar ah u dhaliilay go'aankii dhawaan Kenya ay ku xirtay xawaaladaha ay ku eedeysay in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Qiyaastii 1.3 bilyan oo doolar ayaa sanad kasta qoysaska ku nool Soomaaliya waxaa u soo dira qaraabadooda ku nool qurbaha.

Lacagtaasi ayaa ah kala bar dakhliga soo gala dalka Soomaaliya, waxaana lacagahaasi dibedda laga soo diray ayba ka badan yihiin deeqaha caalamiga ah ee dalkaasi la siiyo.

Weriyaha BBC-da ee Afrika Andrew Harding ayaa warbixintaan Mogadishu ka soo diray, waxaana soo jeedinaya Xasan Cali Geele.