Tuktuk
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bajaajta Jigjiga oo taksiyada suuqa kala wareegtay

Bajaaj waa mooto saddex lugeey ah oo waayadan dambe aad ugu soo badatay magaalada Muqdisho, waxayse hadda aad ugu sii baahday magaalooyin kale oo gobolka ku yaalla oo ay ka mid tahay magaalada Jigjiga ee caasimadda u ah maamulka Soomaalida Itoobiya.

Boqolaal mootooyinkaasi ah ayaad ku arkaysaa iyagoo u kala gooshaya xaafadaha magaalada, waxayna meesha ka saartay tagaasida caadiga aheyd ee lagu shaqeysan jiray ee sida gaarka ah loo kiraysan jiray.

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo safar shaqo ku jooga magaalada Jigjiga ayaa raacay mid ka mid ah mootooyinkaasi kaddibna la sheekaystay darawalkii iyo qaar ka mid ah macaamiishii saarneyd, warbixintan ayuuna ka soo dira