Soomaaliya IDPs
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaal lagu tababaray Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxa shalay tababar socday mudo afar bilood ah loogu soo gabagabeeyay boqol dumar ah, kuwaas oo laga keenay xeryaha dadka gudaha ku barakacay.

Dumarkan ayaa u badnaa haween la kulmay xadgudubyo kala duwan oo uu kufsigu kamid yahay.

Haweenkan ayaa la baray ku shaqaynta harqaanka ama dawaarka iyadoo mid kasta oo kamid ah la siiyay hal dawaar iyo bundad dhar ah oo ay la socoto dun iyo maqasyo.

Tababarkan ayaa waxa lagu qabtay xarunta Xaawo Taako waxana fuliyay urrurka badbaadada dhalaanka iyo hooyada ee SSWC.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, oo ka qaybgalay gebagabadii tababarkaasi ayaa la sheekeystay qaar kamid haweenka barakacayaasha ah ee la tababaray.