Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hadliye oo ku dhaliilay Somaliland arrinta qaxootiga Yemen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay kala soocid la sheegay in Somaliland ay ku sameysay qaxooti Soomaali ah oo ka soo cararay colaadda ka taagan dalka Yemen.

Qaxootiga ayaa la sheegay in doontii sidday ay ku soo xirtay dekeda Berbera, balse loo diiday in ay soo degaan, tallaabadaasi oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay mid sharci darro ah.

Somaliland ayaa 7kii hore sheegtay in aysan qaabili doonin qaxootiga Soomaalida ah ee ka soo cararaya Yemen.

Haddaba wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya, Abdisalaam Hadliye, ayaa isagoo jooga Imaaraatka Carabka waxa uu khadka telefoonka ugu warramay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.