Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gagida Diyaaradaha Hargeysa oo la ballaariyay

Markanna Hargeysa, halkaasi oo la shaaciyay in diyaaraha xamuulka ee waa weyn ay haatan ku degi karaan gagida caalamiga ah ee Cigaal.

Gagidan oo dhawaan la ballaariyay ayaa dhabaha ay diyaaraha ka duulaan waxaa lagu kordhiyay 1250 mitir oo dheeraad ah, iyadoo markii ugu horeysay ay haatan diyaaraduhu habeenkii isticmaali karaan garoonka.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xariga ka jaray dhamaystirka dhabahaasi.

Haddaba waxaanu arrimahaasi ka wareysannay wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee Somaliland, Maxamuud xaashi Cabdi, oo u warramay weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige.