Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi: Safiirka Itoobiya ee Kenya

Dalka Itoobiya waxaa laga sugayaa in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah ee doorashadii guud oo dalkaasi ka dhacday todobaadkii hore.

Gudiga doorashada ayaa horay u sheegay in natiijada hor dhaca ah ay muujinayso in uu si aqlabiyad ah u guulaystay xisbiga talada haya ee EPRDF.

Mucaaradka ayaa dhaliilay sida ay u dhacday doorashadu.

Wariyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo wareystay safiirka Itoobiya u fadhiya Kenaya, Dina Mufti, ayaa waydiiyay in doorashadii Itoobiya ka dhacday lagu tilmaami karo mid si dimuqraadiyad ah u dhacday?