Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kooxda Kubadda Koleyga ee Qardho oo guul gaartay

Kooxda Qardho ee Kubadda Koleyga ee Soomaaliya ayaa waxa ay usoo gudubtay kama dambeysta tartanka Kubadda Koleyga ee magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

Kooxdan ayaa ciyaartii xalay waxa ay dhibco gaaraya 78 kaga badiyeen kooxda Daaru Salaam Stars oo keensatay 68 dhibcood oo kaliya.

Tartankan oo sanadkiiba mar lagu qabto magaalada Daaru Salaam ee waddanka Tanzania, ayaa waxaa ciyaarta kama dambeysta ah ku kulmi doona kooxda Qardho City oo ka socota Soomaaliya iyo kooxda Qaahira oo matalaysa dalka Masar.

Haddaba daqiiqado kaddib markii ay ciyaartaasi dhammaatay ayaa waxaanu khadka taleefanka kula xiriirnay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta ee Soomaaliya, ahna Maamulaha kooxda Qardho City, Cabdirashiid Xasan Xirsi (Bakin), oo isagoo ku sugan garoonka ay ciyaarta ka dhacaysay u warramay Cabdifitaax Ibraahim Maxamed Cagayare.