Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxay yihiin dhibaatooyinka ka dhalan kara tubaakada?

Maanta oo axad ah dunida waxa laga xusayaa maalinta ka hortagga dhibaatooyinka tubaakada.

Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo hay'adaha la shaqeeyaa ayaa samaynaya wacyi-gelin ku saabsan dhibaatada ay leedahay tubaakadu.

Qiyaastii 6 milyan oo qof ayaa sanadkiiba u dhimato cudurada laga qaado sigaarka, halka 600 oo kun oo ka mid ah dadkaasi la sheegay in ay yihiin dadka aan sida tooska ah u cabin sigaarka ee jiida qiiqa ka soo baxa dad agtooda ku cabayey.

Prof, Cismaan Maxamuud Dufle, oo ka mid ah dhakhaatiir wax ka furtay Jaamacadda Banaadir ee magaalada Muqdisho, Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe ayuu uga waramay dhibaatada ay leedahay tubaakada.