Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wershaddii ugu horreysay ee Taayirada oo Hargeysa laga furay

Ganacsato reer Hargeysa ah ayaa dhawaan waxa ay magaaladaasi markii ugu horreysay ka hirgaliyeen warshad lagu farsameeyo taayirada gaadiidka.

Qalabka ay warshadan ku shaqeyso ayaa waxaa laga keenay dalka Shiinaha, iyadoo taayirada ay warshadan soo saarto loo iib geeyo gudaha Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaalida.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa booqday shalay dhismaha warshadaasi, kaddibna waxa uu wareystay maareeyaha warshadaasi Yuusuf Axmed Cali.