Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Al-Shabaab oo gashay tuulooyin ka tirsan Mandera

Wararka ka imanaya woqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in dabley ka tirsan xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen tuulooyin ka tirsan deegaanka Mandera ee u ku taalla xudduuda Soomaaliya.

Dableydan ayaa waxa ay khudbado u jeediyeen dadka deegaanka, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in boqolaal qof ay ka qaxeen tuulooyinkii ay deganaayeen, halka albaabada la isugu dhuftay qaar ka mid ah iskuulada deegaanka.

Haddaba Sanetor-ka laga soo doorto deegaanka Mandera, Bilow Aden Kerrow, ayaa sheegay in weerrarada Al-Shabaab ay dhibaato ku hayso guud ahaan gobolka, dowladana looga baahan yahay in ay degdeg wax uga qabato, khadka taleefanka ayuu ugu warramay Cabdifataax Ibraahim Cagayare oo marka hore waydiiyay sida ay wax u dhaceen?