Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isbaarooyiin ku soo badanaaya nawaaxiga Siyeelo

Wararka ka imaanaya degaanka Isiolo ee Waqooyiga dalka Kenya ayaa sheegaya in ay jiraan koox dhalinyaro ah oo isbaarooyin dhigta wado dheer oo isku xirta Isiolo iyo degaanka Madogashe.

Isbaarooyinkaas aya waxa la sheegayaa in ay ku baadaan dadka iyo gaadiidka. Qaar ka mid ah hogaamiyaasha degaankaasi Isiolo ayaa sheegaya in dhalinyarta ay xiriir la leeyihiin kooxda shabaab

Haddaba, Mohammud Ali ayaa khatka telefoonka waxa uu kula xiriiray ku xigeenka Barasabka Isiolo, Mohammed Guled oo waxa uuna hore waydiiyey bal in uu xaqiijiyo wararka ku saabsan isbaarooyinka.

Xiriir aan la samaynay booliskana waxay noo sheegeen in ay baarayaan arrintaas, war rasmi ahna ay ka soo saari doonaan arrintaas, marka ay baaritaanka dhameeyaan.