Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin: Saameynta xiritaanka xawaaladaha Kenya

Muddo laba bilaad ah ayaa laga joogaa markii ay dowladda Kenya xirtay 13 xawaaladood oo dalkeeda ka howlagalayay, kuwaasi oo ay ku tuhuntay in ay taageero dhaqaale ku bixiyeen argagixisada.

Xawaaladahaasi ayaa ahaa laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaalida, iyada oo qoysas badan loo soo marin jirin biilasha ay usoo diraan ehaladooda dibadda ku nool.

Saameynta ka dhalatay xiritaanka xawaaladaha Soomaalida ayaa si aad ah looga dareemay magaalada Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii, sida uu ku warramaya Ciise Xaaji Cabdille.