Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isbadelka cimilada oo aan xal laga gaarin

Siyaasiyiinta ka qeyb galaya shirka cimilada ee Qaramada Midoobay ee ka dhacaya magaalada Bonn ee waddanka Jarmalka, ayaa waxa ay diidan yihiin in ay ka wada hadlaan in dhab ahaantii siyaasadahooda beekhaaminta tamarta lagu ilaalin karo cimilada dunida.

Khubaradu waxa ay sheegayaan in marka dal dal loo fiiriyo siyaasadaha arrimaha deegaanka ee adduunyada aysan aheyn kuwa ku filan in ay ka hortagaan khatarta cimilada ee caalamka.

Hasayeeshee dalalka soo koraya qaarkood ayaa sheegaya in ay aad ugu mashquul yihiin sidii looga wadaxaajoon lahaa qaabka loo marayo heshiiska cusub ee Qaramada Midoobay ee waxlooga qabanayo cimilada, si looga wadahadlo in siyaasadahaasi ay yihiin kuwa shaqeyn doona iyo in kale.

Haddaba maxaa sal u ah is faham la'aanta ilaa hadda xal looga gaari la' yahay wax ka qabashada is beddelka cimilada.

Si aan faafaahin dheeraad ah u helno ayaa Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa waxa uu la xiriirnay, Dr Cabdullaahi Cilmi Maxamed, oo ah khabiir ka faalooda arrimaha deegaanka.