Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Awoodda waxqabadka dumarka

Magaalada Jo'burg ee waddanka Koonfur Afrika, ayaa waxaa ka socda shirweyne uu leeyahay Midowga Afrika, waxaana la filayaa in Axadda iyo Isniinta ay ku kulmaan madaxda waddamada Afrika.

Arrimaha diiradda la saarayo waxaa ka mid ah sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda waxqabad dumarka. Maendeleo Ya Wanawake, waa urur maxalli ah oo ka shaqeeya sidii loo xoojin lahaa waxqabadka dumarka Kenya.

Ubax Cabdi Ibraahim oo ah guddoomiyaha ururkaas ee deegaanka Mandheera ayaa uga warrantay Raage Xasan arrimaha haweenka.