Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Umulisooyin Hargeysa lagu tababaray

Magaalada hargeysa waxaa lagu qabtay xaflad qalin jabin ah oo loo sameeyay afartan gabdhood oo ku bartay xirfadda umulisanimada Cisbitaalka Dhalmada iyo Daaweynta Haweenka ee Edna ee Hargeysa.

Gabdhahaasi waxaa loo qaybiyay qalabkii ay u isticmali lahaayeen dhalmada iyagoo ka hawlgeli doona gobollada iyo degmooyinka Somaliland, siiba meelaha aan lahayn cisbitaallada.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige, ayaa joogay xafladdasi oo warbixintan nooga soo diray, waxayna warbixintu ku bilaabanaysaa Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadlaysa hawsha sugaysa gabdhaha qalin jabiyey.