Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool Yaman

Ayadoo weli ay sii socdaan duqaymaha ay xulafada uu sacuudigu horkacayo ku hayaan waddanka Yemen ayaa hay'adaha caalamka ayaa waxa ay ka digayaan in xaalad aad u xun ay ka jirto gudaha dalkaas.

Dadka gudaha waddanka hadda kusugan ayey hay'adaha sheegayaan inaysan helin adeegyada aasaasiga ah iyo waxyaabaha kale ee daruuuriga ah.

Dad badan oo Soomaali ah ayaa weli dalkaasi jooga, waxa ayna badidood ku jiraan xerada qaxootiga ee Al-kharas.

Dadkaasi waxa ay sheegayaan in dhibaatooyiin badan ay halkaasi ku haystaan ayna ka mid tahay cunto la'aan. Qaar kood ayaa BBC-da la hadlay