Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gabdho bartay "qaabka ay ku xulanayaan" ragga guursanaya

Waxaa Somaliland markii ugu horeysay xaflad loogu qabtay in ka badan 20 hablood oo wada guur-doon ah, kuwaas oo muddo afar bilood ah ku baranaayay dugsiga cusub ee Qoys-kaab sidii ay u dooran lahaayeen oo ula haasaawi lahaayeen ninka ay guursanayaan.

Xaflada waxaa ka qayb galay gudoomiyaha barlamanka Somaliland Cabdiraxman Cirro iyo wasiiro.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan nooga diyaariyay isagoo la hadlay maamulaha dugsiga cusub ee Qoys-kaab iyo hablaha dhigta iskuulkan qaar ka mid ah.