Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Si khaldan ayaa loo isticmaalay lacagaha caafimaadka

Waxaa xaruunta Qaraamada Midoobay ee Gigiri ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu qabtay wadahadal ay soo qaban qaabisay hay'adda caafimaadka adduunka, oo ku saabsanaa qaabka loo isticmaalo lacagaha gargaarka ee cafimaadka Soomaaliya lagu bixiyo.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in lacagahaasi, oo inta badan soo mara hay'addo aan dowli ahayn, aanay sidii loogu talagalay loo adeegsan.

Xaawo Xasan Maxamed oo wasiirka caafimaadka Soomaaliya, ayaa arrimaha shirka looga hadlay uga warrantay Ciise Xaaji Cabdule.