Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muslimiinta UK oo loogu baaqay isugu deeqida xubnaha jirka

Cisbitaallada ku yaalla dalka Britain ayaa ugu baaqaya Muslimiinta dalkaasi, in ay ka fikiraan sidii ay bukaanka Muslimka ah ee u baahan in kelyaha iyo beerka loo bedelo ay xubnahooda ugu deeqi lahaayeen.

Muslimiin tiradooda lagu qiyaasay 2.7 milyan oo qof ayaa ku nool Britain, waxaana bukaanka Muslimka ah ee doonaya in xubin jirkooda ah loo bedelo ay ku qaadataa muddo dheer.

Sababta ayaa ah in aanay jirin dad Muslim ah oo xubnaha jirkooda ugu yabooha kuwa u baahan.

Waxaa warbixin arrintaasi ku saabsan cisbitaal ku yaalla magaalada ay Muslimka ku badan yihiin ee Birmingham kasoo diray weriyaha BBC uga warrama arrimaha bulshada, John McManus. Maxamed Cabdiraxman ayaa soo jeedinaya.