Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan bandawga Gaarisa

Dowladda Kenya ayaa la filayaa in ay bandowga ka qaado deegaanada gobolka waqooyiga bari ee Kenya iyada oo loo diyaargaroobayo bisha barakaysan ee Ramadaan.

Bandowgan waxuu bilowday ka dib weerarkii lagu qaaday jaamacadda Garissa bishii afraad ee sanadkan.

Bashkas Jugsoodhacay ayaa warbixintan ku eegaya qaabka uu bandowgan u taabtay shacabka magaalada Gaarisa, gaar ahaan kuwa danyarta ah ee shaqeysta.