Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Natiijada wacyigalinta naafada

Magaalada Muqdisho kooxo dhalinyaro ah oo ka tirsan ururka naadafada Soomaaliyeed oo uu hormuud u yahay Maxamed Cali Faarax ayaa waxa ay muddoooyinkan wadeen ol'ole ay ku magacaabeen "Iga fur Albaabka" kaas oo ay ku wacyigalinayeen ganacsatada iyo dowladda in ay xarumahooda ka dhisaan sallax awood u siinaya dadka naadafada ah in ay gudaha u galaan.

Maadaama aaney awood u laheyn in ay fuulaan sallaamaha ama jaranjarooyinka caadiga ah ee dhismayaasha loo sameeyo.

Weriyaha BBC ee Muqdishu Macalimuu ayaa warbixin la xariirta natiijada ka dhalatay wacyi galinta ol’olaha Iga fur Albaabka waxuu inooga soo diray Muqdisho.