Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Tirada qaxootiga oo sare u kacday

Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in tirada dadka qaxootiga ah ama dalalkooda ku barakacay ee dunida ay sii korortay.

Colaadda ayaa ah arrinta ugu weyn ee warbixintu sheegtay in ay qaxaas sababtay, hay'addu waxay sheegtay in 60 Milyan oo qof ay ilaa hadda barakaceen.

Hay'adaha gargaarka ayaa ka digaya in mashaakilkan uu marka dambe gaari doono heer aan waxba laga qaban karin.

C/raxmaan Maxamed Cumar waa khabiir ku xeeldheer arrimaha qaxootiga, horena uga soo shaqeeyey arrimaha qaxootiga. Faarax Lamaane ayuu uga warramay waxyaabaha ay warbixintu ka hadashay iyo sida wax looga qaban karo.