Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Bangiga first Community Bank oo la abaalmariyay

Bangiga first Community Bank ee Kenya oo ah bangi islaami ah oo ay markiisii hore bilaabeen ganacsato ka soojeedda Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa dhowaan la guddoonsiiyey abaalmarin Bangiga ugu wanaagsan bangiyada ganacsiga ee islaamiga ah ee Afrikada Bari.

Hay'ad fadhigeedu yahay Dubai ayaa abaalmarinta bixisay, waxaana codaynta ka qayb qaadatay kumanaan qof.

Cumar Sheekh Cabdulaahi waa agaasimaha Bankiga first Community Bank, C/laahi Sheekh C/risaaq ayuu u waramay.